Man United ayaa war fiican Ka Heshay baacsigii ay ugu jirtay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Chelsea ee Antonio Rudiger sida ay sheegayaan wararku.

Tababare Ralf Ragnick ayaa Maamulka Man United ka codsaday in ay u keenaan xiddiga Antonio Rudiger inta lagu jiro suuqa kala iibsiga January ee bishan.

Rajada Man United ee saxiixa Antonio Rudiger ayaa kor u kacday kadib markii ay Real Madrid ka baxday baacsigii ay ugu jirtay saxiixa xiddiga reer Germany.

Wargayska Fichajes ayaa sheegaya in ay Man United haatan noqotay kooxda ugu cad-cad saxiixa Rudiger iyada oo uu Ragnick doonayo in uu helo xiddiga ay isku dalka yihiin.

Ragnick ayaa si toos ah ula xidhiidhay wakiilka xiddiga Rudiger si uu ugu qanciyo in uu xiddiga 28 jirka ah yimaado Old Trafford inta lagu jiro suuqa kala iibsiga January.