Salaasadii Liverpool ayaa codsatay in la baajiyo kulanka ay maanta la ciyaari lahaayeen kooxda Arsenal ee Lugta 1-aad ee Semi-final-ka Carabao cup-ka.

Liverpool ayaa codsatay in la baajiyo kulanka sabab la xidhiidha xanuunka Korona kaas oo laga helay xiddigo badan oo kooxda 1-aad ah iyo shaqaalaha tababarka.

Haatan EFL ayaa xaqiijiyay wakhti cusub oo la ciyaari doono kulankii Emirates ka dhici lahaa ee tartanka Carabao cup-ka ee la baajiyay sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Sababtaas darteed waxa haatan la soo horaysiin doonaa kulanka ka dhici doona Anfield kaas oo la ciyaari doono 13 bishan January ka hor inta aan lugta 2-aad la booqan Emirates 20 bishan January.

Labada kooxood ayaa ku dagaalami doona booskooda Final-ka Carabao cup-ka xilli ciyaareedkan iyada oo labada kooxood ee kale ee ku tartami doona booska Final-ka yihiin Tottenham iyo chelsea.