“Marka aan leeyahay Kharashka Hawl-socodsiintu wuxuu ka badan yahay waxyaabaha aasaasiga ah” 

Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga WADDANI Mudane Axmed Xirsi Ducaale ayaa si qoto-dheer uga hadlay khaladaadka iyo dheelitir la’aanta ku jirta Odoros Miisaaniyaddeedka 2022 ee Golaha Wakiillada xukumaddu hor keentay.

“Odoroska Miisaaniyadda 2022 waxa ku jira khaladaad aanu Qaranku qaadi karin, waxa ku jira kharashaad Kulmiye ula baxay hawl-socodsiin oo ay isticmaalan marka ay farta malabka ku dhuuqayaan kaas oo ku baxa shiidaal, habeen dhax, hotello iyo wixii la mid ah. Waxa aad arkaysa in kharashka loogu talo galay waxyaabaha aasaasiga ah ee ummadda wax u taraya uu ka badan yahay Kharashka Hawl-socodsiintu..” ayuu yidhi Mudane Axmed Xirsi.

Xoghayuhu waxa uu intaasi raaciyay “Marka aan leeyahay Kharashka Hawl-socodsiintu wuxuu ka badan yahay waxyaabaha aasaasiga ah waxaan u jeeda kharashka hawl-socodsiinta loo qooneeyay ee faakihaysiga ahi wuxuu ka badan yahay kan loo qoondeeyay wasaaradda Beeraha, wasaaradda Caafimaadka, wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo la isku daray wasaaradahaasi oo dhammaantood aasaasi u ah JSL. Miisaaniyadda Madaxtooyadu waxa ay ka badan tahay miisaaniyadda 7 cisbitaal oo waaweyn oo waddanka ku yaalla ugu jirta miisaaniyadda 2022..”

“Xisbiga WADDANI ahaan waxa aanu soo jeedinayna in ciidamada qalabka sida loo kordhiyo mushaharka boqolkiiba konton (50%), shaqaalaha wasaaradda caafimaadka iyo shaqaalaha wasaaradda Waxbarashadana (Macallimiinta) loo kordhiyo boqolkiiba sodon (30%), taas oo kharashka looga kordhinayo laga soo jarayo meelaha aan loo baahnayn ee kharashka badan ku baxayo..” ayuu yidhi Mudane Axmed Xirsi.