Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Galmudug ayaa galabta deegaanka Galinsoor ka daahfurtay mashruuca deegaanno iyo Degmooyin ka tirsan Galmudug looga hirgalinayo Nalalka ku shaqeeya ileyska Cad Ceedda, si sare loogu qaado bilicda magaalooyinka Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Galmudug Maxamuud Cabdi Kaarshe ayaa tilmaamay in mashruucan ay iska kaashanayaan dowalada Norway, dowladda Federaalka iyo Galmudug

Maamulka iyo shacabÄ·a Galinsoor ayaa ka mahadceliyay in markii ugu horeysay laga hirgaliyo deegaanka Galinsoor Leyrarka ku shaqeeya Ileyska, iyagoo xusay in ay baahi weyn u qabeen sidoo kalana ay qeyb ka qaadaneyso Amniga iyo Nabadgalyada.

Magaalooyinka Galinsoor, Balanbal iyo Dhuusamareeb ayaa ah magaalooyinka loo qorsheeyay in mashruucaan laga sameeyo maalmaha soo socda, iyadoo wajiga labaad laga hirgelin doono magaalooyin kale.