Wakiilada Dusan Vlahovic ayaa joojinaya ku biirista xiddiga ee Arsenal kadib markii ay Gunners dalab Rasmi ah oo dhan 45.8 iyo waliba xiddiga Lucas Torriera ka gudbisay xiddiga si ay u helaan saxiixiisa.

Arsenal ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub iyaga oo doonaya badalka xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang & Alexandre Lacazette kuwaas oo laga yaabo in ay ka tagaan kooxda.

Vlahovic ayaa dhanka kale ka mid noqday xiddigaha ugu fiican horyaalka Serie A-da isaga oo dhaliyay 16 gool 19 kulan oo uu ciyaaray.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa xiiso badan ka helaya kooxaha Juventus, Tottenha iyo Man City kuwaas oo xiiso u qaba saxiixa xiddiga reer Serbia.

Saaka ayay soo bexeen warar sheegaya in ay Arsenal miiska u saartay kooxda Fiorentina dalab dhan 45.8 milyan euro iyo waliba xiddiga khadka dhexe ee Lucas Torreira.

Saxafiga reer Italy ee Gianluca Di Marzio ayaa haatan sheegaya in Wakiilada Xiddiga Vlahovic Arsenal u diidanyihiin in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga iyaga oo xiddiga ku qancinaya in uu ku biiro koox ka weyn Arsenal oo koobab u tartami karta.