Massimiliano Allegri ayaa u sheegay Alvaro Morata inuusan ka tagi doonin Juventus inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha January inkastoo si weyn loola xiriirinayo Barcelona.

Allegri ayaa sharciga hor dhigay Morata kadib markii ay soo bexeen wararka sheegaya in ay kooxda Barcelona isku diyaarinayso in ay dalab ka gudbiso xiddiga.

Kooxda Barcelona ayaa aad u doonaysa saxiixa xiddiga Morata kaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan weerarkeeda qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

Waxa maalmihii ugu dambeeyay soo baxay warar sheegaya in heshiiska uu Alvaro Morata ugu biirayo Barcelona a dhamaystiray 95%.

Laakiin markii Allegri wax laga waydiiyay wararkaas waxa uu ku jawaabay”Waxa aan Morata u sheegay in uu halkan joogayo, Juventus kama tagayo sheekaduna halkaas ayay ku dhamaatay”