Tababaraha Kooxda Man United Ralf Rangnick ayaa Ka Hadlay fursadaha Kooxdiisa ee u soo bixitaanka champions League xilli ciyaareedka dambe iyo ku dhamaysiga 4-ta boos ee ugu sareeya premier League xilli ciyaareedkan.

Fursadaha Man United ee ku dhamaysiga 4-ta boos ee ugu sareeya premier League ayaa dhibaaxo la kulantay kadib guuldaradii lama filaanka ahayd ee ay kala kulantay Wolves kulankii Isniintii.

Man United ayaa 4 dhibcood ka dambaysa kooxda Arsenal ee ku jirta kaalinta 4-aad waxana baaqi u ah 2 kulan kuwaas oo ahaa kulamadii la baajiyay sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Si kasta ha ahaatee Ralf Ragnick ayaa shaki galiyay fursadaha kooxdiisa ee u soo bixista champions League xilli ciyaareedka dambe iyo ku dhamaysiga 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka.

“Ma samayn karo wax balan-qaadyo ah oo ku saabsan 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka premier League”ayuu yidhi.

“Eeg qaab ciyaareedkeena kulankii Wolves, hadii aan haatan idhaahdo 100% waan ku dhamaysan karnaa 4-ta boos ee ugu sareeya ma garanayo in ay dadku i rumaysan doonaan”.