Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay qaab amaah ah ugu dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Georginio Wijnaldum sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Netherland ayaa ka tagay kooxda Liverpool xagaagii isaga oo qaab xor ah ugu biiray kooxda PSG laakiin waxa uu ku dhibaatooday in uu isku muujiyo kooxda reer France.

Xiddiga 31 jirka ah ayaa kaydka ugu jira kooxda PSG isaga oo kaliya 9 kulan ku bilowday kulamada kooxdiisu ciyaartay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Waxa jira warar sheegaya in uu Georginio Wijnaldum Doonayo in uu isaga tago kooxda wagryska FourFourto ayaana sheegaya in ay Arsenal wadahadalo la furtay kooxdiisa si ay xiddiga ugu soo celiso premier League.

Arsenal ayaa xiddiga Georginio Wijnaldum u aragta badalka xiddigaha Ainsley Maitland-Niles & Mohamed Elneny kuwaas oo la filayo in ay isaga tagaan kooxda suuqa January.