Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappé ayaa isku diyaarinaya in uu shaaciyo go’aanka kama dambaysta ah ee mustaqbalkiisa Kooxda PSG xilli si weyn loola xidhiidhinayo kooxda Real Madrid.

Sida laga soo xigtay El Chiringuito xiddiga Mbappe ayaa shaacin doona go’aanka kama dambaysta ah ee mustaqbalkiisa kooxda PSG kadib kulanka champions league ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Real Madrid.

Isla shabaakda El Chiringuito ayaa sheegaysa in uu Mbappe go’aamin doono in uu isaga tago kooxda PSG waliba shaacin doono in uu ku biiri doono kooxda Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kylian Mbappé ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay ee heshiiska koxda PSG isaga oo iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda reer France taas oo la macno ah in uu xor ku bixi doono xagaaga.

Kooxda Real Madrid ayaa ilaa haatan ah kooxda ugu cad-cad saxiixa xiddiga iyada oo ku kalsoon in uu Mbappe xidhan doono maaliyada cadaanka ah dhamaadka xilli ciyaareedkan.