Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa sheegay in dilis la’aanta Liverpool ee Kulamada premier League ay sabab u noqon doonto in ayna Reds ku guulaysan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa iska khasaarisay natiijo 2/0 ah oo ay ka dhalisay Chelsea iyaga oo bar-baroo 2/2 ah la galay kooxda Chelsea kulan ka dhacay Stamford Birdge.

Jamie Carragher Ayaana aaminsan in Fashilka Liverpool ee ah in ay ilaashato natiijada marka ay hogaamiso ciyaarta ay Liverpool ka hor istaagi doonto ku guulaysiga horyaalka.

“Sababta ayna Liverpool ugu guulaysan doonin horyaalka ayaa ah in ay Liverpool 17 hogaanka u qabatay kulamada xilli ciyaareedkan laakiin kaliya 12 kulan badisay halka ay Man City dhamaan wada badisay 17-kii kulan ee ay hogaanka u qabatay ciyaarta”.

Liverpool ayaa 11 dhibcood ka dambaysa kooxda hogaaminaysa horyaalka premier League xilli ciyaareedkan xilli ay Liverpool hal kulan oo baaqi ah haysato.