Xiddiga Alvaro Morata ayaa lagu soo waramayaa in uu noqon doono xiddig Barcelona ah todobaadkan sida laga soo xigtay wargayska Diario AS.

Heshiiska ay Barcelona ku doonayso saxiixa xiddiga Morata ayaa lagu soo waramayaa in la dhamaystiray 95% iyada oo Barcelona heshiis la gaadhay kooxaha Juventus uyo Atletico Madrid.

Xiddiga reer Spain ayaa la filayaa in uu kooxda Barcelona ugu biiri doono heshiis amaah ah ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo dookh u haysata in ay qaab toos ah ula wareegto xiddiga.

Xavi ayaa haatanba qorshaynaya in uu Alvaro Morata kulankiisa ugu horeeya ee kooxda Barcelona ciyaaro 12 bisha January kulanka ay Barcelona la ciyaari doonto Real Madrid kulanka Spanish Supercopa.

Morata ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Barcelona isaga oo ogolaaday mushaharka ay u soo bandhigtay kooxda Barcelona.