Sky Sport ayaa daboolka ka qaadeysa xog ka cusub mustabqalka Mohamed Salah ee Liverpool

Laacibkaan hishiiskiisa waxa uu dhamanayaa xagaaga 2023 waxa ayna kooxdiisa dadaal ku bixinayaan in hishiis cusub ka saxiixdaan

Balse arintaas weli waa dhaqan gali la`dahay xilli kooxo ay ka mid yihiin Real Madrid iyo PSG ay si dhaw isha ugu hayaan xaaladda Salah

Haatan waxaa la soo xiganayaa in labada dhinac wadahadallo wax ku ool ah u jiraan waliba Salah uu muujiyay in uu qalinka iyo warqadda uu is dul saaro.

” Salah farxad ayuu dareemayaa oo ah dhanka maamulka iyo ciyaartooyda”ayaa lagu yiri xogtaan ku dhaw Liverpool

” Xitaa dhanka dhaaqalaha is fahan ahaan waa isu dhawaadeen” ayaa lagu yiri ilo wareedyadaan

Salah wax uu dalbanayaa mushaar gaaraya 500 kun todobaadkii halka Liverpool ay ku adag tahay marka la eego xaaladda dhaqaale ee koxda