Liverpool ayaa shaaca ka qaaday in tababare Jurgen Klopp uu seegi doono kulanka ay la ciyaarayaan Chelsea 2-da January sabab la xidhiidha xanuunka Korona oo laga helay.

Klopp ayaa xaqiijiyay intii uu ku jiray shirkii ka horeeyay kulanka chelsea in xanuunka laga helay 3 xiddig oo kooxdiisa ah iyo waliba qaar ka mid ah shaqaalaha tababarka.

Tababaraha reer Germany ayaa haatan la xaqiijiyay in laga helay xanuunka Korona sidaas darteed waxa uu seegi doonaa kulanka chelsea ee Axada.

Klopp ayaa gurigiisa ka daawan doona kulanka muhiimka u ah kooxdiisa xilli ay doonayaan in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib Guuldaradii Leicester City.