Tababarayasha Mikel Arteta iyo Pep Guardiola ayaa soo saaray shaxaha ay isaga hor iman doonaan kulanka premier League iyada oo Labada tababareba isha ku hayaan 3-da dhibcood ee kulanka.

Tababare Arteta ayaa ku soo galay isla shaxdii uu ku ciyaarayay kulamadii ugu dambeeyay xilli ay xiddigahaas si dhab ah iskula qabsadeen kadib markii a kulam badan wada ciyaareen.

Dhanka kale Pep Guardiola ayaa si abdal ku sameeyay shaxdiisa isaga oo kaydka dhigay xiddigaha Walker, Gundogan, Grealish kuwaas oo ciyaaray kulamadii ugu dambeeyay.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka:

Arsenal: Ramsdale, Tomiyasu, White, Gabriel, Tierney, Partey, Xhaka, Saka, Odegaard, Martinelli, Lacazette.

Kaydka: Leno, Smith Rowe, Maitland-Niles, Holding, Soares, Pepe, Tavares, Lokonga, Elneny.

Man City: Ederson, Cancelo, Dias, Laporte, Ake, Rodri, De Bruyne, Bernardo Silva, Mahrez, Jesus, Sterling.

Kaydka: Steffen, Walker, Gundogan, Grealish, Fernandinho, Kayky, Mbete, Palmer, McAtee.