Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Romelu Lukaku ayaa sheegay in uuna ku faraxsanayn kooxda chelsea xilli uu fariin u diray tababarihiisa kooxda Chelsea.

Xiddiga reer Belguim ayaa dhaliyay goolkiisii 2-aad kulankii Brighton kadib markii uu ka soo laabtay dhaawaca iyo xanuunka Korona.

Lukaku ayaa ku dhibaatooday in uu boos ka helo chelsea kulamadii ugu dambeeyay sabab la xidhiidha in uu Thomas Tuchel badalay shaxdiisa waliba inta badan ku ciyaari jiray weeraryahan been ah.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa sheegay in uuna ku faraxsanayn xaaladiisa chelsea sabab la xidhiidha qaab ciyaareedka taababare Thomas Tuchel.

“Jir ahaan waxa aan ahayn mid fiican laakiin kuma faraxsani xaalada chelsea, tuchel waxa uu doortay in uu ku ciyaaro nidaam kale, laakiin si dhib yar iskuma dhiibayo, aniga ayaan noqon doona xirfadle, laakiin kuma faraxsani xaalada chelsea”ayuu Lukaku u sheegay Sky Italia.