Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay warar lagu faafiyey baraha Bulshada oo lagu sheegayey inay kala qeybsameen oo laba garab kala noqdeen xubnaha Midowga Musharaxiinta oo siweyn uga soo horjeeda Madaxweyne Farmaajo.

Xasan Sheekh oo ka hadlaayay Munaasabad xalay ka dhacday Muqdisho ayaa waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka la faafiyey ay sheegayey inay Musharaxiinta Musharaxiinta kala qeybsameen oo ay kala tabeen, isagoona beeniyay warkaas oo uu xusay inay faafiyeen taageerayaasha dowladda.