Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ruushka ayaa khadka isgaarsiinta ee taleefanka ku yeeshay wadahadal socday qadar saacad ah, kaas oo looga hadlay xiisadda ka taagan dalka Ukraine .

Putin ayaa u sheegay Biden in cunaqabateynta cusub ee lagu soo rogo ay horseedi karto burbur buuxa oo ku yimaada xiriirka labada dal,isagoo intaa raaciyay in cunaqabateyntaan ay noqon doonto “khalad weyn”.

Mr Biden ayaa dhankiisha u sheegay Mr Putin in Mareykanka iyo xulafadiisa ay jawaab adag ka bixin doonaan duulaan kasta oo lagu qaado Ukraine.