Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab ka gudbisay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Ac Milan ee Franck Kessie wax yar ka hor inta uuna furmin suuqa kala iibsiga ee bartamaha xilli ciyaareedkan.

Jurgen Klopp ayaa qarka u saaran inuu waayo xiddigaha Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Naby Keita bisha soo socota, iyadoo seddexda ciyaaryahan ay u safri doonaan si ay dalalkooda uga qeyb galaan Koobka Qaramada Afrika, waxaana la rumeysan yahay inay Reds ku riixday inay suuqa kala iibsiga gasho.

Inkasta oo ay Liverpool haysato xiddigo badan oo khadka dhexe ah hadana dhaawacyo iyo xanuunka Korona ayaa dhibay kooxda waxana ay doonayaa inay xoojiso khadka dhexe si ay ugu tartanto horyaalka.

Sida laga soo xigtay Liverpool Echo, kooxda Klopp ayaa bilowday dalab ay ku doonayaan Kessie, kaasoo sidoo kale lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo Tottenham Hotspur, Manchester United iyo Real Madrid.

25 jirkaan ayaa labo jeer ka horyimid Liverpool xilli ciyaareedkan wareega group-yada Champions League, waxaana heshiiskiisa kooxda Ac Milan uga dhiman 6 bilood taas oo la macno ah in ay lacag jaban ku heli karto suuqa January