Gool dhalinta horyaalka premier League ayaa meel xiiso leh maraysa kadib todobaadkii 20-aad ee horyaalka premier League.

Waxa la soo afjaray kulamadii todobaadka 20-aad ee horyaalka premier League iyada oo tartanka gool dhalintu sii xoogaysanayo.

Xiddiga Kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa wali hogaaminaya gool dhalinta horyaalka premier League inkasta oo uuna dhalin wax gool ah todobaadkan.

Salah ayaa dhaliyay 15 gool horyaalka premier League waxa ku xiga xiddiga kooxda Liverpool ee Diogo Jota kaas oo dhaliyay 10 gool isla markaas 5 gool ka dambeeya xiddiga ay isku kooxda yihiin.

Xiddiga Leicester City ee Jamie Vardy  ayaa ku xiga waxana uu dhaliyay 9 gool Xiddigaha Cristiano Ronaldo, Emile Smith Rowe, Emmanuel Dennis, Raphinha iyo Son Heung-Min ayaa dhankooda wada leh 8 gool.

#PlayerTeamAgeNationalityGoals
1.Mohamed SalahLiverpool29Egypt15
2.Diogo JotaLiverpool25Portugal10
3.Jamie VardyLeicester34England9
4.Cristiano RonaldoManchester United36Portugal8
5.Emile Smith RoweArsenal21England8
6.Emmanuel DennisWatford24Nigeria8
7.RaphinhaLeeds25Brazil8
8.Son Heung-MinTottenham29South Korea8
9.Bernardo SilvaManchester City27Portugal7
10.Mason MountChelsea22England7
11.Michail AntonioWest Ham31England7
12.Neal MaupayBrighton25France7
13.Raheem SterlingManchester City27England7
14.Sadio ManéLiverpool29Senegal7