Xiddigaha Man United iyo Arsenal ee Mason Greenwood & Bukayo Saka ayaa arkay in qaab ciyaareedkooda sanadla 2021 la aqoosanday iyada oo loo magacaabay shaxda ugu fiican sanadka ee xiddigaha da’doodu ka yartahay 20 jirada.

Xidhiidhka uruurinta rikoodhada kubada cagta ayaa soo saaray shaxda ugu fiican ee xiddigaha da’yarka ah iyada oo ay shaxda ku soo bexeen xiddigihii da’yarka ahaa ee qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

Abaalmarinta lagu bixinayo shaxda ugu fiican ee xiddigaha da’yarka ah ayaa la bixiyay markii 2-aad kadib markii la aas-aasay sanadkii 2020 oo markii ugu horaysay la bixiyay.

Shaxda sidoo kale waxa ku jira xiddigaha Kooxaha Borussia Dortmund, Real Madrid iyo Barcelona ee Pedri, Camavinga iyo Bellingham kuwaas oo dhankooda qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.