Bayern Muncih ayaa guul ay u qalantay ka gaartay Barcelona oo ay kaga talaabsadeen sedex gool oo nadiif ah xilli Barca ka hareen tartanaakn iyadoo markii ugu horeeysay muddo 20 sano ay ka ciyaarayaan Europ league

Bayern Munich ayaa nasiinada ugu dirtay Barcelona laba gool oo nadiif ka dib ciyaar cajiib ah oo ay soo bandhigeen wiilasha reer Jarmal .

Barcelona 10-ka daqiiqo ee hore ayay cadaadis sameeyeen balse ka dib  aad ayay dib ugu gurteen dhan walibana waa laga fiicnaa

Munich waxa ay Barcelona ka garaacday garabka middig oo sahal ayay aheyd iin laga xaroodo , waxaana goolasha kala dhaliyay Muller iyo Sane .

Heerka kubad hayshada Munich waxa ay aheyd %62 , waxa ayna Barca daafac ahaayeen kuwo liitay .

Soo laabashadii , is badel ma jirrn , waxaana Barca ka muuqaneysay in macalin Xavi uu iska soo qalday shaxda waana u dhawaayeen gool sedexaad balse nasibka ayaa ka  maqnaa xilli goolhayaha Barca u sameeyay bad baadooyin.

Barca ma jirrin falsafadda muuqata oo ay wax kaga badlayeen ciyaarta iyaga ayaana u nuglaa goolal dheeraad .

Munich waxa guul darro kalama kulmin wareegga Group-yada Champion-ka tan iyo sanadkii 2013-kii .

Munich bandhigii wacnaa iska sii wateen ilaa gool sedexaad ay keeneen daqiiqadii 62-aad waxaana saxiixay Musilia waxa ayna heerka Munich ee kubad hayshada gaareysay %58

Wax laga qoro ma jirin dhamaadkii, oo Munich waa raaxeystay waa ayan u qalantay guushaas