Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in loo fasaxay inay 25.6 milyan euro ku dhamaystirto xiddiga khadka dhexe ee Lille Renato Sanches bisha January.

Xiddigii hore ee Bayern Munich oo 23 jir ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Lille labadii sano ee la soo dhaafay waxana uu soo jiitay indhaha kooxaha reer yurub.

Arsenal ayaa doonaysa in ay xoojiso khadka dhexe maadama ay tartanka Koobka Africa u waayi doonto ixddigaha Mohamed Elneny iyo waliba xiddiga Thomas Partey.

Sidaas darteed Arsenal ayaa si dhaw ula socotay xiddiga Sanches kaas oo sidoo kale lala xidhiidhinayay kooxaha Liverpool, Barcelona iyo Man City.

Sida laga soo xigtay Telefoot, Arsenal ayaa hadda la siiyay ogolaansho ay ku dhamaystiri karto saxiixa xiddiga Sanches suuqa January hadii ay miiska saarto lacag dhan 25.6 milyan euro.