Weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa weerar dadban ku qaaday Lionel Messi, isagoo ku tilmaamay xiddiga Paris Saint-Germain beenaale iska hadlay.

Waxaa weli socota dooda ku saabsaneyn abaalmarinta Ballon d’Or iyadoo Lionel Messi uu markii 7aad ku guuleystay kubadda dahabka xilli dad badan ay ku doodayaan in Lewandowski uu u qalmay.Advertisements

Xafladii abaalmarinta Ballon d’Or Lionel Messi ayaa u mahadceliyay Robert Lewandowski isagoo sheegay in xiddiga reer Poland uu u qalmay inuu sannadkii hore ee 2020 ku guuleystay abaalmarinta isagoo ka codsaday France Football inay abaalmarintii sannadkii hore oo baaqatay ay siiso Lewandowski.

Lewandowski ayaa haatan ka jawaabay isagoo sheegay in hadalkiisa Messi uusan daacad aheyn, islamarkaana hadalkiisa uu yahay mid maran oo aan waxba micno laheyn.Advertisements

“Xiiso iguma heyso inaan helo abaalmarintii 2020” ayuu Lewandowski u sheegay warbaahinta dalkiisa ee Poland.

:Waxaan jeclaan lahaa in hadalka Messi uu ahaa mid daacad ah, oo ah hadal xushmad leh oo ka soo baxay ciyaaryahan weyn, oo aan kaliya aheyn hadal maran.

“Waxaan dareemay murugo, ma beenin karo.

“Ma dhihi karo waan ku faraxsanaa in Messi uu qaatay abaalmarinta. Waxaan dareemayay murugo. Inaan u dhawaado ku guuleysiga abaalmarinta oo aan la tartamo Messi ayaa dabcan soo bandhigay heerka aan gaaray.”

Hadalka Lewandowski ayaa muujinaya inuu ka careysan yahay inuu abaalmarinta waayay labo sannadood uu isku xigta isagoo sidoo kale ixtiraamdarro u arkay hadalkiisa Messi.