Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta kooxda Inter Milan kulan xiiso leh oo ka tirsan champions league iyaga oo ku tartami doona kaalinta 1-aad ee Group-koda.

Real Madrid ayaa haatan hogaaminaysa Group-ka iyaga oo 2 dhibcood ka dambeeya kooxda Inter Milan ka hor kulankooda caawa ee champions league.

Kooxda badisa ayaa ku dhamaysan doonta kaalinta 1-aad ee Group-ka iyada oo ay labada kooxoodba u dagaalamayaan booska 1-aad ee Group-kooda.

Kulanka: Real Madrid Vs Inter 

Tartanka: Champions league

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Santiago Bernabue.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Real Madrid ayaa badisay dhamaan 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Inter Milan kaga hor timid champions league iyaga oo dhamaan yimid tan ilaa xilli ciyaareedkii hore.

11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Inter Milan ka hor tagtay kooxaha reer Spain ayay gaadhay kaliya hal guul iyaga oo Getafe ka badiyay champions league bishii August 2020.

Real Madrid ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah 8-dii kulan ee ay kulamada yurub marti galisay Inter Milan iyaga oo guuldaro kala kulmay sanadkii 1967 koobka European cup, Xilli ay Real Madrid badisay 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ugu yaraana dhalisay 2 gool.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay Inter Milan ka badiso koox reer Spain ah iyaga oo marti ah waxa ay ahayd 2004 markaas oo ay 5/1 kaga badiyeen kooxda Valencia.