Kooxda Man City ayaa marti u noqon doonta kooxda RB Leipzig kulan ka tirsan champions league iyada oo kooxda Pep Guardiola doonayso in ay guul ku soo xidhato wareega Group-yada champions league.

Dhanka kale kooxda RB Leipzig ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo u dagaalamaya booskooda wareega Europa League waxana ay u baahanyihiin in ay garaacaan man City kulanka.

Kulanka: RB Leipzig Vs Man City

Tartanka: Champions league

Wakhtiga: 8:45

Garoonka: Red Bul Arena Leipzig

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

RB Leipzig ayaa guuldaro kala kulantay Man City kulankoodii kaliya ee ay ka hor tageen Man City iyada oo Man City 6/3 ku dhalisay kulan ka dhacay Etihad Staduim iyaga ayaana ah kooxda kaliya ee laga dhaliyay wax ka badan champions League xilli ciyaareedkan.

Man City ayaan laga badin 14-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay champions League la ciyaarto kooxaha reer Germany iyada oo guuldaradii ugu dambaysay ay kala kulmeen Bayern Munich bishii November 2014.

Kadib markii ay badiyeen 3 ka mid ah 4-tii kulan ee ugu horeeyay ee ay ka hor tageen kooxaha reer England champions league, RB Leipzig ayaa laga badiyay dhamaan 3-dii kulan ee ugu dambeeyay 2 kulan oo Liverpool ah iyo hal Man City ah.