Kooxda Liverpool ayaa marti u noqon doonaysa kooxda Ac Milan kulan xiiso leh oo ka tirsan champions League waliba ah kulankii ugu dambeeyay ee labada kooxood ee wareega Group-yada tartanka.

Liverpool ayaa mar hore xaqiiqsatay booskeeda wareega 16-ka sidaas darteed waxa la filayaa in uu Klopp is badal ku sameeyo shaxdiisa kulanka uu ku soo galayo.

Dhanka kale Ac Milan ayaa u baahan in ay guul gaadho hadii ay doonayso in ay iska xaadiriso wareega xiga ama rajo ka yeelato in ay u soo baxdo wareega xiga.

Kulanka: Ac Milan Vs Liverpool

Tartanka: Champions League

Wakhtig: 11:00

Garoonka: San Siro:

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midii 4-aad ee dhexmar kooxaha Ac Milan iyo Liverpool iyaga oo dhamaan wada ah champions League labada kooxood ayaa badiyay min hal kuan 3-dii kulan ee hore iyaga oo bar-baro galay kulankii 2005 ee rikoodhayaasha ku dhamaaday.

3-dii kulan ee hore ee ay labada kooxood iska hor yimaadeen waxa ay guud ahaan iska dhaliyeen 14 gool iyada oo koox kasta dhalisay 7 gool xilli ay Reds 3/2 ku garaacday Milan kulankii lugta hore ee champions league

Ac Milan ayaa isha ku haysa guusheedii ugu horaysay ee ay ka gaadho koox England ah tartamada yurub tan ilaa February 2012 markaas oo ay 4/0 ku garaaceen Arsenal champions league kulan ka tirsanaa wareega 16-ka tartanka.

Kooxaha premier League ayaa badiyay 5 ka mid ah 6-dii kulan ee ugu dameeyay ee ay ka hor tagteen Ac Milan iyada oo Arsenal tahay kooxda kaliya ee ku fashilantay in ay garaacdo Ac Milan.