Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Man United Ralf Rangnick ayaa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Frenkie De Jong u calaamadsaday khadka dhexe ee ugu fiican mashruuciisa mudadada gaadhan ee Man United sida laga soo xigtay El Nacional.

Rangnick ayaa doonaya saxiixa xiddiga De Jong waxana uu xitaa diyaar u yahay in uu heshiiska ku daro weeraryahanka Edinson Cavani si uu u helo xiddiga khadka dhexe.

Tababaraha ayaa ka faa’iidaysanaya baahida ay Barcelona u qabto weeraryahan cusub waxana uu doonayaa in uu ku helo xiddiga khadka dhexe ee De Jong oo uu isaguna aad u doonayo.

Xiddiga reer Holland ee De Jong ayaa ka mid ah xiddigaha ugu qaalisan taariikhda kooxda Barcelona waxana uu muhiim ka yahay kooxda Tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

De Jong ayaa Barcelona u saftay 12 kulan xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan waxana uu dhaliyay hal gool halka uu sidoo kale caawiye ka noqday 2 kale.