Tababarihii hore ee kooxaha Chelsea, Man United iyo Tottenham ee Jose Mourinho ayaa mar kale lala xidhiidhiinayaa in uu ku soo laabanayo premier League.

Jose Mourinho ayaa markii ugu dambaysay laga caydhiyay shaqada kooxda Tottenham waxana uu haatan hogaamiyaa kooxda Roma kuwaas oo laftoodu dhibaatoonaya xilli ciyaareedkan.

Laakiin Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa in uu ku soo laaban karo premier League xilli ciyaareedkan isaga oo kooxdii 4-aad ka noqon doona tababare sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay kooxda Everton xidhiidh la samaysay tababarihii hore ee Chelsea iyo Man United si uu u noqdo tababarohooda cusub ee kooxda xilli ciyaareedkan.

Everton ayaa ku jirta qaab ciyaareed xun waxana ay ku fashilmeen in ay guul gaadhaan 7-dii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Tababare Rafa Benitez ayuu saaranyahay cadaadis xoogan waxana uu qarka u saaranyahay in laga caydhiyo shaqada kooxda hadii ay natiijooyinku sidaas ku sii socdaan.

Everton ayaa wadahadalo la qaadatay tababaraha reer Portugal waxana la sheegayaa in uu ogolyahay in uu ku soo laabto premier League oo uu waliba hogaamiyo kooxda Everton.