MADAXWEYNAHA GALMUDUG OO KORMEER INDHA INDHEEN AH KU SAMEEYAY XARARDHEERE
Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo wasiirka Gaashaandhiga XFS ayaa kormeer kusoo maray magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug, asagoona u kuurgalay xaalada nololeed ee bulshada reer Xarardheere ee dib ugu soo laabtay magaalada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xarumaha dowladda ee bixiya adeegga bulshada sida xarunta degmada, Isbitaalka magaalada iyo saldhiga Booliska degmada Xarardheere.